VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waad igu haboontahy - Lyrics

Adaa hido iyo haldoora Hablaha soomaaliyeed Hoodiyo sharaftii lahoo Horyaalkii quruxda sida Adba adba heekal sariyo Halyaygii ragaa tahoo Haybad loo dhameeyoo Hankiyo aqoonba leh 2x Mugdi looma hoydee Geenyadii i hanataay Adigaa i horkacayee Hareertaada ila qabo Ala inanyohow haraadkiyo Ha igu kicin hurdo madow Naftaan kuu hibeeyee May hanan karaysaa Hadaan hadal macaaniyo Kugu habo halbowlaha Aan haasaawihii kula galo Ma ii hagar baxaysaa Ma ii hagar baxaysaa Ala hamuun laguma seexdo Nasab hadii aan hoos tago Hanaqaadna aa tahay Waad igu haboon tahay macaan Waad igu haboon tahayee 2x Hamigu tuu doonayee Haween kala soo baxay Dareenkaaga i hagoo Dartaa hurdo maba ladee Anoon anoon hagran caashaqa Adaa naayin kuu ahee Heegadaa dusheeniyo Hogol curatay ii noqo 2x Yartaan ku haminaayee Hoy inaan wadaagnaa Hamigayga noloshee Hiil adigu ii noqo Walee inanyohow hanaankiyo Haybad gaaraad leedahoo Hor allee naftayduna aa Wey ku haybinaysee Hadaan hadal macaaniyo Kugu habo halbowlaha Aan haasaawihii kula galo Ma ii hagar baxaysaa Ma ii hagar baxaysaa Hamuun laguma seexdo Nasab hadii aan hoos tago Hanaqaadna aa tahay Waad igu haboon tahay macaan Waad igu haboon tahayee 2x
Queue is empty
-- / --