Adaa hido iyo haldoora
Hablaha soomaaliyeed
Hoodiyo sharaftii lahoo
Horyaalkii quruxda sida
Adba adba heekal sariyo
Halyaygii ragaa tahoo
Haybad loo dhameeyoo
Hankiyo aqoonba leh
2x

Mugdi looma hoydee
Geenyadii i hanataay
Adigaa i horkacayee
Hareertaada ila qabo
Ala inanyohow haraadkiyo
Ha igu kicin hurdo madow
Naftaan kuu hibeeyee
May hanan karaysaa

Hadaan hadal macaaniyo
Kugu habo halbowlaha
Aan haasaawihii kula galo
Ma ii hagar baxaysaa
Ma ii hagar baxaysaa
Ala hamuun laguma seexdo
Nasab hadii aan hoos tago
Hanaqaadna aa tahay
Waad igu haboon tahay macaan
Waad igu haboon tahayee
2x

Hamigu tuu doonayee
Haween kala soo baxay
Dareenkaaga i hagoo
Dartaa hurdo maba ladee
Anoon anoon hagran caashaqa
Adaa naayin kuu ahee
Heegadaa dusheeniyo
Hogol curatay ii noqo
2x

Yartaan ku haminaayee
Hoy inaan wadaagnaa
Hamigayga noloshee
Hiil adigu ii noqo
Walee inanyohow hanaankiyo
Haybad gaaraad leedahoo
Hor allee naftayduna aa
Wey ku haybinaysee

Hadaan hadal macaaniyo
Kugu habo halbowlaha
Aan haasaawihii kula galo
Ma ii hagar baxaysaa
Ma ii hagar baxaysaa
Hamuun laguma seexdo
Nasab hadii aan hoos tago
Hanaqaadna aa tahay
Waad igu haboon tahay macaan
Waad igu haboon tahayee
2x

Exit mobile version