Heesta Dhulka - Lyrics
inta doofka jecelee
dhul shisheeye wali arag
dhabta lagama maarmee
murtidayda dhuuxoo
dhadhan malaha qurboo
waana lagu dhibtooda
ALLAAN idinku dhaarshee
dhulku waa dhulkiinii
waa dheeman iyo luul
waa dhaxal awawgeen
dhaqankiisa dhawroo
dheeliga u diida
jigjiga iyo war dheer
goday iyo qoroaxay
fiiq gobol af dheer
liibaan shiniiliyo
ku dalxiis dhagax buur
aad raaxo dharagtide
xiise aan dhamaanbaan
u qabaa dhulkaygee
habeen iyo dharaarbaan
dheelalaawayaayoo
dhimasho iyo wad mooyee
dhayal kuma ilaawee
dhulka waan ku dhaartaa
inkastoon ka dheerahay
barwaaqada dhex taalee
dhirta midhaha bixisoo
iyo dhayda xoolaha
iigu dheef iigu filan taa
dhulka waan ku dhaartaa