Iga baxay hamoodyee
Tii aan ku halacsadayeey
Labalaanku caashaqey
Cid kale karaynaa

Hawraar san weeyee
Haasaawaha hagaag
Dhiigaygu raacee
Wax la hubo ma haysaa

Riyada kalgacalkana
Ada laba tilmaambaa
Haamaha ku culayaa
Haamaha ku culayaa

Oodiyo nasiibtay
Inaan helo gayaankay
Hibo eebe weeyee
Ma isku kaa haleeyaa

Furi maayee aniguyee
Inaan hago jacaylkee
Hoy aan yagleelnee
Hoy aan yagleelnee
Hagar li,i wax i haa qabo

Hawshiina taladiyo
Hadafkeena guurkee
Way inoo hagaagtee
Hareertaada iga eeg

Hareertaada ila qabo
Hareertaad iga eeg
Hareertaada ila qabo
Hareertaad iga eeg

Exit mobile version