Heesta Laf dhabar - Lyrics
Agow dhaliilba jirta
Maxaa dhaqankii badalay
Xishoodkii maxaa ku dhacay
Dhurwaye hubiyay ku nool
Bal dhugo tiifiiga dhufo
Dhab u eeg bal dhalihii bulshada
Warkani laga sitiyo
Dhag xumada aduu ka qora
Habluhu waa inoo laf dhabar
Dhabtooda inagu korsheen
Mar kalena way inoo dhaxeen
Dhabarkay inoo noqdeen
Dhibaatana uma qalmaan
Ragow dhiidhiyo ka kaca
Maxaa dhimirkiini helay
Dharax magaceeni dilay
Dhafarka ka toogane
Ma dhugo halkeeni dhugo
Bal eeg kufsiga dhugtew
Bal dhugo hooyada dhibteen
Ilmada ka dhacaysa dhugo
Habluhu waa inoo laf dhabar
Dhabtooda inagu korsheen
Mar kalena way inoo dhaxeen
Dhabarkay inoo noqdeen
Dhibaatana uma qalmaan