jacayl kali ku dheeliyay
dhuxul uu ku shidan yahay
oo waayo dhinac joogo
naftii aan ka dhayayaa

adoo qaba dhibtii shalay
sidaa tahay bila dhiig
dhul dhow talo mood
aa is dhigtay maantana

dhacday uma badeedhine
mar hadaan dhaliiliyo
ka dhargay wax yeelada
dhaanka caashaq i baray
rabi hayga dhigo khayr

qofka tidhi i dhay oo
idhisoo i dhowriyo
aad u dhiibtay taladaa
naftii u dhantaala

adoo dheef u nacayoo
u dhibtoo daraadi
iyadu i dhafaysa
oo wali dhadhamysa

dhacday uma badeedhine
mar hadaan dhaliiliyo
ka dhargay wax yeelada
dhaanka caashaq i baray
rabi hayga dhigo khayr

——————————————————————————–

qalbigaagiyo qalbigaagu
waa mataano

qoys wacan ayuu
qaadir ka dhashee
ma qiyaasi karo
qiima leedhaee
qaowlaaka bilan
qoosimad lahayn
qurux waa qalbiga
waan kugu qancee

qalbigaagiyo qalbigaagu
waa mataano

qayb iga midaay
quwadaydiyee
aan is qaadanee
qaybso farxada

qormo cashaqiyo
isma qaayibnoo
aan qorshayno nolol
farxad qaybsane

qalbigaagiyo qalbigaagu
waa mataano

Exit mobile version