yartii muuqiyo hanaan
milgaha sharaf iyo xishood
MAWLUHU meeshaan dayaba
miisaanka o bojiyaay

mansabka diinteena mudan
macnaha dhaqanee macaan
gabdhihii ku mariimanaa
intii muunadood qabtaba
masalka adaa ugu filan

sidii nuur muuni subax
iftiinka ka soo mudhaay
aday muuq dheer naftani
runtii kugu maqantee
mustaqbalka maagantee
hadmaad marwadayda noqon

yartiii muxabada qalbiga
sidii mawjadii badii
laabtayda ku maaxatee
xiskayga ku mayracdaay

xiisaha muhashada kalgacal
adaa maaliniyo leel
hadeer mayalka u hayee
goormaan meherkeena iyo
aroos madal kaaga tumi

Exit mobile version