adoo sadex lagugu qabo
ganbana lagu saaaraybaa
sinab kuu dayn karayn

jacaylkaagaa sitoo
sidiibaan wali ahoo
samrina waayee ogow

arooskaa saaka dhacay
inuu saaciday waqtigu
reer yaruu ka baxshaa
sidaa goortaan maqlaa
sara joogii ka dhacay

su'aal iga raacdayoo
siniba kuma dayn karee
waxaan sugayaa waqtiga
sayluhu ay ii curtaan
ILAAHAY uu sakhiro
adoo socda aan ku helo

adoo sadex lagugu qabo
ganbana lagu saaaraybaa
sinab kuu dayn karayn

sidii cilmiyoo kalaan
jacaylkii igu sibxaday
i saaqoo igu fidyoo
qalbiga kama saari karo
siduu ALLE kaa dhigee

Exit mobile version