Heesta Yabaal - Lyrics
anoo yarad iyo aqoon
yaqiin iyo guur wadkii
adaa yu'ashada kalgacal
korkayga ku yaaciyee
sidii yicib meel ka baxay
adaa meel igu yaala oo
jidhkayga dhex yuurara'oo
xubnuhu kuu yeedhayaan
yagleelnaye guri gobeey
yabaaliyo meel cidlo ah
yamaahuno ha iga tagin
aduunyadu waa yeelmiyo
yaraysiga nolol jirtee
yuusmiyo yooyoolin halab
yaliyo iga dhawr yulmada
labaan kala yoocinoo
yaqiinsada meel qurxoon
yoolkeenuna yahay cishqiga
ALLOW naga yeel dhamaan