Heesta Najma - Lyrics
Sida damal hadh waynoo
Doog iyo caleen badan
Darmaantiyo hibaaquna
Dacalada isa saareen
Daawashada ku wacanoo
Loo soo dalxiisoo
Farxad lagu dakeeyaa
Najmaay naftu kuu dareenta
Doolayste ma ihiye
Waan kuu dan sheegtee
Kaalay Kaalayoo
Kaalay kaalay
Kaalayoo i daadahee
Dayrkii naftayda
Haweenka tii aan ka doortee
Jacaylkii i deeqee
Wadnahayga dagaye
Dhulku dadab gal malahee
Cirka aan u duulnee
Duruuraha inoo gogol
Najmaay xidigaha la daris noqo
Doolayste ma ihiye
Waan kuu dan sheegtee
Kaalay kaalyoo
Kaalay kaalay
Kaalayoo i daawee