Heesta Sagal - Lyrics
Sanad koo barwaaqa
Ah seerma waydadii
Gu'ga saylaan roob
Da'aayoo sagal koo
Hilaacoo beeluhu
Sugaayaan sideed
Loo amanyeey x2
Sagalay waxad tahay
Sala buu kutaaliyo
Suuradii sanaagoo
Meel sare ka laacdoo
Sodon goor jibaar maa
Hablaha siinad dheer
Tahay x2
Sokeeyo iyo daris kuba
Samaan iyo wanaag
Buu kuusiiye buro'oo
Hooyooyin keenaad
Sifahooda leedahee
x2
Suubantii haween kaay
Sadax iyo tobnaad bila
Sideed u iftiintoo duni
Doo dhan saaqday
X2
Sinaantaada gacaloy
Sina looma helayoo
Dhaaya cidi masarine
Sooyaal masheegine
X2
Sixinkii jacaylkaad igu
Siisay kooboo laqan
Yaaan lasuuxayoo
Hadal soliba waayee
X2
Sambabadiyo beerkad
Iga saaftay meeloo
Kasamaysay xarunoo
Jacayl sal uga yeeshaye
X2
Sandulaad hogaaniyo
Igu sudhatay keenoo
Adaa sida naftaydoo
Sidigtaada weeyee
X2
Yaanad sabab unoq-
Onine unoqonine
Sagalay si uun yeel
X2
Kaa soliba waayee
Samayoy wax ila qabo
X2