Ma ogtahay ubaxeey
Inaabtaay mudnaayoo
Kala ooli maynee

Ma ogtahay arwaaxay
Ku abuuran meeloo
Kala ambanba maynee

Ma ogtahay ubaxeey
Ana aawadaabaan
La ilmaynayaaye

Asliyeey ubaxeey
Indhahayga deeqdaay
Tii aan eeganaaye

Ma ogtahay ugaadhoo
Aqligoodu liitaa
isa soo abaysee

Ma ogtahay ardoogoo jir
Mudo arki waayaa
Jacayl loo ilmeeyaa

Exit mobile version