Heesta Masaafo - Lyrics
Masaafada aaad jirtiyo
Maqnaantiyo fogida
Sariirtiyo guriga maran
Inteey murugiyo xanuun
Ibadeen mayara
Qalpiga mooraalka ka tagay
Xusuusi miyeey dhaydaa
Maaweelo koleey kutahay
Maxay lahashadu tartaa
Macaan haddii aanad imaanayn
Jacaylkiyo muhashadayda
Inaan mariyoo xaltoona
Midnaba loo hayn ogsoonoow
Jacaylku nafuu mulkiyay
Mareeg caashaqu ku xiray
Rajada maqanee lahayn
Maalmaha isa so rogroga
Tilmaantiyo
Malaha badan
Niyadda hammiga ku maran
Baxnaano miyuu helaa
Hawaawiga aan igalay
Hiyowgu miyuu ba'shaa
Macaan haddii aanad imaanayn
Jacaylkiyo muhashadayda
Inaan mariyoo xaltoona
Midnaba loo hayn ogsoonoow