Heesta Nimboo naftaa - Lyrics
Raadkaaga rafaadaan usoo marayee
Barcad kuuguma dhaafeen
Waan ku rabaa
Waxaan la dureetaa
Roobku da'aaa
Idil ii ahaadee raalliyaa
Sahrooy adaa
Ruuxeeyga ahoo
Reeroon dhisannaa
rabigeey ka baryaa
Riyadayda rumee iyoo rajadeey
Raxmaddii aan kuraystaa ii tahyee
Anna waan kugu raacee
Rafaad iiga dhoowr
Ruuxba ruuxa uroonaa
Aas raadsadaa
Ha is reebin
Isoo raac roor igaroor
Sahrooy adaa
Ruuxeeyga ahoo
Reeroon dhisannaa rabigeey ka baryaa
Riyadayda rumee iyoo rajadeey
Siliciyo saxariirtii soomarnayee sadrigaaga kuhaay samaan badneey
Inkastoo sanadaan
Noo samaatayee saddexoole sirtaada hasiinninee
Sahrooy adaa
Ruuxeeyga ahoo
Reeroon dhisannaa rabigeey ka baryaa
Riyadayda rumee iyoo rajadeey