VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gaashaamo - Lyrics

Hadii qiimiyo inuun qurux Qufuun lagu sheego loo qiro Hadii qiimiyo inuun qurux Qufuun lagu sheego loo qiro Weynuhu kugu qeex Wax qeybshaa 2× Hablaha qarnigaad u qaali tahoo Qormaad isku taagtay qeyrkaa Hablaha qarnigaad u qaali tahoo Qormaad isku taagtay qeyrkaa Hadaan qalanjooy ku qaayibay 2× Jacayl ma qarsoonto qoontiisiyo Qudhuu helay qeexi kari waayoo Qofnaba kama lado haduu ku qabsado 2× Hadii qiiriyo qandhiyo nabar Cishqigu qamar iyo qisaas yahay Hadii qiiriyo qandhiyo nabar Cishqigu qamar iyo qisaas yahay Qey qoofaley qey sidiisii Waxaan qariyaba haday qaraxdoo Qudhaydii tagtoo qolbaan ahay Waxaan qariyaba haday qaraxdoo Qudhaydii tagtoo qolbaan ahay Mar uun ila qaboo waxaan qabo 2× Jacayl ma qarsoonto qoontiisiyo Qudhuu helay qeexi kari waayoo Qofnaba kama lado haduu ku qabsado 2×
Queue is empty
-- / --