VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Nageeya - Lyrics

Hoy kulankii horjaagaagiyo Hagoogta maryaha Ee laabta qurxoon Indhihii halacsaday Jacayl ku noqdee 2× Hanaanka wanaagsan Hadalkaagiyo Habkaad u dhaqaaqdaybaan Baan ka heloo Ku soo hirtayo Mabana hakanine 2× Hidiyo dhaqanbaad Hormuud u tahee Hidiyo dhaqanbaad Hormuud u tahee Anaa hub haybad Lagu sariyee 2× Xishoodka hadheeyay Halis tabiyoo Hirbaad tahay Loo hanweeyahayee Hablahaad u hormooday Gogoshaada,ee 2× Sidii hogo hoortay Kuugu hirtoo Hilaac wacanaynay Naftaa huguntoo Intay yaansatay Mabay hakanine 2× Hidiyo dhaqanbaad Hormuud u tahee Hidiyo dhaqanbaad Hormuud u tahee Anaa hub haybad Lagu sariyee 2×
Queue is empty
-- / --