Jacayl waa dakaharo kulul
Dhibaha kula soo darsoo
Jacayl waa dakaharo kulul
Dhibaha kula soo darsoo
Dareen weeyaan aan hadahyn
Intaad kala durugsantihiid
Miday naftu damacsanayd

Danyari waa nacab ku daran
Dadkuna kugu ceebsadaan
Danyari waa nacab ku daran
Dadkuna kugu ceebsadaan
Ha yeeshee dulucdu waa

Dadaalka lagu mutaa
Dawooy nolol qiimo lee
Dadaalka lagu mutaa
Dawooy nolol qiimo lee
Ha jiree axdigii ha dumin

Jacayl waa dacar qadhaadh
Dab iyo naar kugu baxoo
Jacayl waa dacar qadhaadh
Dab iyo naar kugu baxoo
Dubaagiyo waa xanuun
Wadnaha kaa daaranoo
Marnaba aan ka dameyn

Danyari waa nacab ku daran
Dadkuna kugu ceebsadaan
Danyari waa nacab ku daran
Dadkuna kugu ceebsadaan
Ha yeeshee dulucdu waa

Dadaalka lagu mutaa
Dawooy nolol qiimo lee
Dadaalka lagu mutaa
Dawooy nolol qiimo lee
Ha jiree axdigii ha dumin

Exit mobile version