Alahayoow maxaan xalay
Caashaq la xanuusaday
Alahayoow maxaan xalay
Caashaq la xanuusaday

Ama maayad xoog liyo
I xambaartay moojadee
Ma xabad iigu xiitiyo
Biyo xidhani soo maray

Oo xusuustiyo wanaagiyo
Xilkay nabadu leedahay
Nafta ku xiiji leelada

Adigaa xeerayee nafsiga
Adigaa xeerayee nafsiga
Ku lis xerada
Xoorkiisa maa sheeg

Alahayoow maxaan xalay
Xidigaha u fiirsaday
Alahayoow maxaan xalay
Xidigaha u fiirsaday

Lama gooyo xeerkee
Xaqa ugu dambee yidhi
Maxaa se igu xeel dheer
Ka xogaal waraystaa

Oo xusuustiyo wanaagiyo
Xilkay nabadu leedahay
Nafta ku xiiji leelada

Adigaa xeerayee nafsiga
Adigaa xeerayee nafsiga
Ku lis xerada
Xoorkiisa maa sheeg

Xoorkiisa maa sheeg
Xoorkiisa maa sheeg

Exit mobile version