allahayaw maxaan xalay
caashaq laab xanuusaday
ama maayad xoogliyo
i xanbaartay mawjadi
maxaa bad igu xiintiyo
biyo xidhan isoo maray

oo xusuustiyo wanaagiyo
xilkay nabadu leedahay
naftu ku xeji meel adag

adigaa xeerayee nafsiga
ku lis xerada xoorkiisa maashee

allahayaw maxaan xalay
xidigaha u fiirsaday
lama gooyo xeerkee
xaqa ugu danbee yidhi
maxaase igu xeel dheer
ku xogaal waraystaa

Exit mobile version