Cirkoo casaanoo
Shimbiruhu caraabeen
Cirkoo casaanoo
Shimbiruhu caraabeen
Cudur aad weynoo
Culimadu la yaabeen
Calooshay dhex jiifee
Calooshay dhex jiifee

Ciishoodayee canaantoobayee
Caadiloow wax ila qabo
Caadiloow wax ila qabo

Cabashada daraadaa
Cuni waayay oonkee
Cabashada daraadaa
Cuni waayay oonkee
Cimrigayga wiilyoow
Caashaq baan la liitaa
Ma iga caawinaysaa
Ma iga caawinaysaa

Ciishoodayee canaantoobayee
Caadiloow wax ila qabo
Caadiloow wax ila qabo

Exit mobile version