Heesta Curad - Lyrics
Cadkii Illaahey iga beeroow
Curadkaan jeclaayoow
U Calool Nuglaayoow
Cowr iyo ilba La'aaw X2
Caafimaad Qab Cudur Li'i
Cimri Dheer Cibaada Leh
Cilad Li'i Ku Nooloow X2
Calafkaaga Guur Wacan Iyo
Caano Iyo Nabad
Casiiska Haka Yeele X2
Midaan Ceebla Dumar Laheen
Oon Camal Islaam Laheen
Caabudin Illaahey
Waligaa Ha Caashaqin
Adna Ceeb Iska Ogoow X2
Cawo Leyl Gudcur Baan
Cirkoo Hoorayoo Furan
Casiiskaan Baryoo Aan
Calaacalaha Hoorsaday X2
Inaad Noqoto Ciil Tire
Cawo Iyo Nasiib Wacan
Talo Kugu Cuslaanine X2
Calafkaaga Guur Wacan Iyo
Caano Iyo Nabad
Casiiska Haka Yeelee X2
Midaan Ceebla Dumar Laheen
Oon Camal Islaam Laheen
Caabudin Illaahey
Waligaa Ha Caashaqin
Adna Ceeb Iska Ogoow X2
By :---> Amuuna Abdullahi