kaan ku diirsadee
naftu doontayow
dahrigiyo qalbiga
adigaa ku daabacan

hadba waxaan dareemaa
igu soo duxaaya
macaaanaw isku duubnideenii

daacad iila hadaloo
dib u gogol xaajada
waxaad diiday ii sheeg
aan kaa daaweeyoo
dabadeed heshiinee
waxaad diiday ii sheeg

dadkaan kuu jecloo
dookhayga ku raacee
maxaa iila dirirtoo
macaanow ku daaree

aaway hooy dulqaadkii
dabcigii wacnaaye
xabiibii ragba kaaga doortee

Exit mobile version