Halyaygii barbaartee
Haybadiyo asluubtiyo
Rabi hibada siiyee
Sharaf lagu hagoojoo

Dhiigiyo dareenkaa
I hogaaminaayoo
Waxa aan ku hawl nahay
Oo aan ku hawl nahay
Helistaada helis
Helistaada weeyee

Hankaygii ku siiyoo
Isku kaa haleeyee
Hankaygii ku siiyoo
Isku kaa haleeyee
Hoogo samirahoo
Haraqaan ku saaree
Afka soo dhe adiguu
Afka soo dhe adiguna

Sidaa tahay haldhaa qoray
Habso maanta muuqaa
Marka aan ku halacsado
Waan kuu hamuubaa

Hadimadi jacaylkaa
Halis iga abaaroo
Hubaashii naftaydaay
Halyeeyoow naftaydaay
Ku haybin haybin
Ku hayhaybinaysee

Hankaygii ku siiyoo
Isku kaa haleeyee
Hankaygii ku siiyoo
Isku kaa haleeyee
Hoogo samirahoo
Haraqaan ku saaree
Afka soo dhe adiguu
Afka soo dhe adiguna

Exit mobile version