sida ubaxa doogiyo
ama sagal arooryaad
aroosyahaw iftiimee

ululugiyo mashxaradiyo
farxad lagu aloosee
loo wada istaagow

ismahaan iyo maxamedow
aabo iyo hooyo
arligeenoo nabada
umaduna ay isjeceshay
ubad ku korsada
ALLE ha idinka yeelo

aroos khayr qaboo
ubad barakoliyo
aayatiin lahoo

aduunyada korkeedana
istareex ku noolow
aan arag dhibaatee

Exit mobile version