xiligu inuu xaaluf yahay
xujooyinku badan yihiin
xaqiiq waxa kuugu filan
xaqii dumarkoo xaniban
xubnahaa laga jabinaayaa
hablaha waa la xoogayaa
xeer kaa qabanaaya iyo
mid kaa qabanaya maleh
xantooda ragaan ogayn
hadii la xasuusiyana
xanaaqaa nagu xiree
aduunkoow xaal nasi

xanuun baan kasoo marnoo
xuduntaa lagu abuuree
xumaantana looma quudhee
rageenaan xisaabtamayn
xubnaha laga jabinaayaa
hablaha waa la xoogayaa
xeerkaa qabanaaya iyo
cid loo xukamaayo ma leh
xantooda ragaan ogayn
hadii la xasuusiyana
xanaaqa nagu xiriiree
aduunkaw xaal nasii

Exit mobile version