VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dadab gal - Lyrics

sidii wabi dur durayoo labadiisa daamood doogii kasoo baxay dacalada isdhaafsheen laamaha dushiisana shinbiruhu kudoodaan ama dayr samaatoo dadku nabad kuwada yaal duunyaduna fooftoo ku dareertay hawdkii waan ku doonayaayoo adigana daraadaa indhihii idaaleen naftan kuudiyaarkee ragba kaan ka doortoo caawaan dadab galaynaa sidii darcad ramadoo daax xasleh joogtoo duhurkii markay tahay mayaygii uudhalay danbeedada lamarayoo durdurada dhasheedii hadba dacal ka dhaaftaa kuu daawadaayoo naxariista daymada nafta kugu daweeyaa
Queue is empty
-- / --