Aniga oon gu’wayneyn
Anoo guudka la ii dabey
Aniga oon gayaankaba
Gedihiisa kala baran
Anoo jooga gurigii
Gacala hooyadey
Adaa ii la soo galey jacaylkee
Markaan kaa gudey Samahii
hadaa goysey nabadii
Ma ogtahay inaad iga gardaran tahay
Aniga oo garadsadey
Garab waynse aan noqon
Aniga oo rag wuxuu galo
Iyo garan wuxuu guudo
Anoo jooga gogoshii
Gabalku iigu dhacay
Adaa iila soo galey jalcaylke
Markaan kaa gudoomey samihii
Haddaad go’ysey nabadii
Ma ogtahay inaad iga gardaran tahay
Maxaa geela loo yidhi
Wuxuu geed ciinna
Gurmo go’an ka daaqo
Kolka uu gafoor cuno
Gambilaaba subaxbuu
Godalka diidaa
Adaa iila soo galey jalcaylke
Markaan kaa gudoomey samihii
Haddaad go’ysey nabadii
Ma ogtahay inaad iga gardaran tahay