Majinbaa ma jaanbaa
Mise jahawareer-bey
Arintaydu joogtaa.

Sowkan Jarihii aan waday
dhan kale u jan jeedhsaday.
Alahayow janiyo naar
Adaa u kala jiheeyee
Aniga jooge iga maqan
Qalbigaygii lana jiro
Oon jabiyo maamuus
Jiro badan la soo maray
Isagana jacaylkuba
Uu layahay dad jaale ah
Sideen ugu jiheeyaa

Jibintoo hilaaciyo
Sida joharad nuurtuu
Meel iila joogaa
Jibadiyo Kalgacalkana
Nafta waan u jari laa
Sidii Roob jirdaale ah
Ama jeerta wabiyada
Ee joogta waligeed
Sawkan Jabadka iga galay
.
Jazahayga Eebaa
Janadiisa iga siin
.
Waxat tahay Jaabtay
Inaan kaba jalbeebtaa
Haduu jabiyay wacadkii

Jaleeladu ma geedba
Jilbiskuna ma bahalbaa
Jigriguna ma qoribaa.
Ana jululudaydii
Ma wax aan jiraynbaa
Dadka laba Jar-daaqaa
Jirjiroole siduu yahay
Kolba jeega kuu dhiga
Ee aan dhanaba jirin
Iyo waxa la Jaadaba
Jaliilkaan ka magan galay.

Nabsiguna haduu jiro
Hayska Jalaqubteeyee
Loo joogi doonee

Exit mobile version