Mid hanaan wacanoo
Haybadiisu dhantaan
U hiloobayoo
Waan u han qaarana hee
Sidee baan u helaa.
……….
Hawli waa ta if koo
Hurdo aad u nacdee
Hiyigii ka caybaa wali
Haabanayee
sidee baan u helaa.
…………
Habeenkoo badh tagaan
Ku hawaawiyayaa
Ku ha daaqay anoo
Magiciisa hayee
Sidee baan u helaa.
………………………..
Hoheey ciilkii batiyo
Cadho kaama hadhee
Naftu mawdka hortii
Waa u hogaansantee
Sidee baan
Ax u helaa.
……………
Hayni waa ta Alloo
Hagar beelku yahee
Naf habaar qabtabaa
Ku hawshoota dhulkee
Sidee baan u helaa.
..,……………………
Mid hanaan wacanoo
Haybadiisu dhantaan
U hiloobayoo
Waan u han qaaranahee
Sidee baan u helaa.
………….,…
Hawli waa ta if koo
Hurdo aad u nacdee
Hiyigii ka caybaa wali
Haabanayee
sidee baan u helaa.

Exit mobile version