VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sida Hogosha Roobka - Lyrics

Cishqi waa hawaa'iye, Sidii haadka duulee Adigoon wax haaynin Hammuu kugu bilaabaa Sidii hogosha roobka Aduun baa i horjooga Sidii hogosha roobka Aduun bay hillaacee Adigaa ii horseeday, Halkaan caawo aallo Hanqaarmow jaceylbaa I hoggaaminaayee Sidii hogosha roobka Aduun bay hillaacay Hurdo waaban daayoo, Habeenkii ma seexdo Wuxuun baa i hor-roora Sidii aan hadraayee Sidii hogosha roobka Aduun bay hillaacee Horaa loo dhammeeyoo, Allaa hibida siiye Hibaaq baxay la moodyoo Ragga waa u horeeyaa Sidii hogosha roobka Aduun bay hillaacee.
Queue is empty
-- / --