VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Sixir jacayl mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Maandeeq
Sixir jacayl

Allahey sahlee

Mas’allooyin iyoo
jaceyl soconayaa
Sibiriq igu ridee

sadkaa siiyay markii
La i saaqayoo
Si fudayd ah buu
Iigu sare tegoo
Anba waan sigtee
Sidaan ahay bal eeg?

Caad iyo sir baad
hadalka u sartoo
warka saaftayoo
ima seegganee

Waa sixir jacayl
mana soo dhaxee
anba saban horuu
sidaa ii galuu
saranseeran iyo
sahwi igu ridee

Sabab caashaq bay
sare kicisayoo
salka kama fadhiya oo
waana lay sitaa

Saqdadhexe hurdada
amba selelayoo
maan saadsannine
waa wax i sugoo
i sinbiidhayoo
si yar igu helee

Qalbi saafiyiyo
wadne dhiig socdaba
safiyaay illayn
waan ka simannahoo

Siduu kuu hayaa
anna lay suroo
saableyda iyo
seedaha dhammaan
Ku samaysanyoo
Igu sare tegyee

Aday sama faloo
daacad u socdoo
surmi aan qabaad
iga saartayee

Abaal aan sugiyo
sahay baad tahee
Mahad samir wanaag-
-na is raacso oo
anoon kaa samrayn
adna igula soco

Anba subax horaan
kuu sahan tegoo
adoo ila socdaan
ku saadaaliyee

Samadaa furneyd
sidaan wax u arkoo
waad igu sintood
iina samirtayee
sidaad jeceshihiyo
waa samo warkii

codkii Maandeeq