Heesta Togo - Lyrics
Ninyow taaha kuraagay
Ee tabaalada sheegtay
Hadaad caashaq la tiicday
Talo waa ta ilaahee
In la iitalinaayo taa miy-
Aanad ogeenba
X2
Tabta roobku daruurta
Hadba uu tis ukeeno
Hadal kaad iitidhaanaa
Iigu sii tarmayaayee
Anoo kuu tudhi waayeyn
Haku taamilo qaadan
X2
Waynagaa tasoownay
Tabtii layliyo qayse
Igu talaashay jacayloo
Qalbigaygaad ku taale
Waa tabaalo adduune
Rabbi ha inala tiirsho
X2