VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Guri dugsoon - Lyrics

Guri dugsoonbaan ogaa Adoo danaheena fuliyoo Daryeelkii wanaagii Maxaa igu wiiqay hawshii 2× Ma duukbaa gakay dhexdeenoo Aniga igu kaa diraaya Inaan horumar gaadhno diidan Mise damacbaa ku qaado Daruurbaa kuu hilaacday 2× Ilaahbaa deeqda bixiyoo Ciduu doonana u diidee Ilaahbaa deeqda bixiyoo Ciduu doonana u diidee Hablo badanoo da,daadaa Anoon dibadaha u doonan Hablo badanoo da,daadaa Anoon dibadaha u doonan Dalkayga ka waayi maayee Bal taa aan kuugu daro hadal Dabeecad san baan ogaa Isku duubni iyo walaalnimo Dulqaadkii iyo wanaagii Maxaa dabar gooyay magacii 2× Dab noolbaan dambas u moodoo Dalaq idhi anoon diktoonay Duduntuna ma laha dareensiiyo Dhaxanta inaad ka dugsatee Waxaad noqotay mid ii daran 2× Ilaahbaa deeqda bixiyoo Ciduu doonana u diidee Ilaahbaa deeqda bixiyoo Ciduu doonana u diidee Hablo badanoo da,daadaa Anoon dibadaha u doonan Hablo badanoo da,daadaa Anoon dibadaha u doonan Dalkayga ka waayi maayee Bal taa aan kuugu daro hadal
Queue is empty
-- / --