Markaan ku arko waan
Ka maqsuudii lahaa
Murugadaan qabee
Hooyooy macaan
Muuqaagu wuu
Iga maydhi lahaa
Dhibtaan soo maree
Hooyooy macaan

Intaan kaa maqnaa
Waan maaganee
Manfaciyo hurdaba
Waan iska maanacee
Hooyooy macaan

Maama aragtidaa
Waxay ila mid tahay
Anigoo makiyo
Madiinaba tagoo
Xajkii soo maree
Hooyan magan ilaah
Mar kastaba ahoow

Maamooy dhibaad
Ila soo martee
Miisaan xaqaa
Lama magi karee

Mininkaa janada
Mawle ha ka dhigo

Maamooy dhibaad
Ila soo martee
Miisaan xaqaa
Lama magi karee

Mininkaa janada
Mawle ha ka dhigo
Aabona macaan
Mawle ha ka dhigo

Markaan ku arko waan
Maamuusi lahaa
Mahuraankiyeey
Hooyooy macaan
Murti iyo amaan
Baan u diri lahaa
Waad mudantahee
Hooyooy macaan

Markaan ku arko waan
Maamuusi lahaa
Mahuraankiyeey
Hooyooy macaan
Murti iyo amaan
Baan u marin lahaa
Waad mudantahee
Hooyooy macaan

Dadka muuq hayaan
Maqashiin lahaa
Maalin iyo habeen
U macnayn lahaa
Hooyooy macaan

Maama aragtidaa
Waxay ila mid tahay
Anigoo makiyo
Madiinaba tagoo
Xajkii soo maree
Hooyan magan ilaah
Mar kastaba ahoow

Maamooy dhibaad
Ila soo martee
Miisaan xaqaa
Lama magi karee

Mininkaa janada
Mawle ha ka dhigo

Maamooy dhibaad
Ila soo martee
Miisaan xaqaa
Lama magi karee

Mininkaa janada
Mawle ha ka dhigo

Exit mobile version