Bal i deeqayoo
Igu dhararantoo
Kuu dhimanayaa
Sida dhabiga iyo
Dun xariirinaan
Kuu dubanayaa

Dharaar iyo habeen
Halka la i dhuftaa
Dhoodhoobiyaa

Igu soo dhawoow
Ii dhiib gacmaha
Ii gabadhahoo
Kuu dhimanayee

Waad igu dhantahoo
Igu dheertahoo
I dhalaalisee
Dhabaan ku jecloo
Adigaa i dhuftoo
Waan ku dhabiyaa

Dhinacii walbaba
Dhan kastood eegtaba
Waa jacayl dhabee

Igu soo dhawoow
Ii dhiib gacmaha
Dhiigaabaan ahoo
Kuu dhimanayee

Exit mobile version