Heesta Amaan - Lyrics
Amaan aan la koobayn
Kow makaaga qaadaa
Kun makuugu geeyaa
X2
Kolka hore gobad tahay
Kuf laguursadad tahay
Nasab kaamilaad tahay
X2
Quruxdana tan kaliyee
Dumar ugu koreysee
Aan kala dhinayn ee
Kaalin qaaday baad
Tahay x2
Reerkii ku koriyiyo kar-
Aamaysan baad tahay
X2
Xalaal diin ku koray iyo
Karaamaysan baad
Tahay x2
Waalid kii kor koodii
Kariimku uu ku galiyaa
Kaad sinyo kugu dhalay
Xeradaad ku kobocdaa
Ahayd mid aan kulayl
Arag x2
Baar furan ku koriyoo
Ku kool kolsho mooye
Ragba karinle kumagayo
X2
Sharaf uu kal keed galay
Kiish makaga buxshaa
Kun makuugu geeyaa
X2
Kolka hore xorbaad
Tahay karti iyo aqoon
Badan inana kaligeed
Baa tahayee x2
Lix kun baad kulashaa
Lixna wad ku kobocdaa
Lixna waad ku korodhaa
Lixna kaamil weeyaan
X2
Qowlkii kariimkiyo kitab
Baa lagugu dhalay x2
Kulan keenu waa khayr
Kaftan keenu waa dahab
Kalmadaadu waa nolol
Kulan awliyaad baa kuu
Xiray kar kaarada x2
Baar furan ku koriyoo
Ku kool kolsho mooye
Ragba karinle kumagayo
X2