Heesta Deeqo rooda - Lyrics
sida roob onkoday
ku reemo dhulkii
lagu raayayee
rayskiyo colona
xalay taa ridana
xukun laba rugleyay
ramad soo baxo
rugtuba midhah
dhirtu raar u tahaye
indhahana uroon
rooday adaa
ifkii iga dhigane
u qiyaaqaye
jacaylbaan riyada
ugu ramanayaaye
rag horaa ku yidhi
rug arooryo badan
ha u raacin dibade
misa qaar aan gurnayn
isma raaciye
ruux la furo ma tihid
rajo lama dhigee
nafta raali gali
waad ka raysane
marwa raaliyo
reer la dhiso
nasbiyaa tahee
ku riyaaqayoo
jacaylbaan riyada
ku ramanayaaye