aduunyada dhibteediyo dhalanteedka waayuhu
ma dhamaado waligii
waa dharaar habeen xigo dhimashadiyo dhalashadu
waa labo is dhinac yaal
shalay dhaanto mooyee maantay dhaaftay malaha
hadalkii dhab loo yidhi dhuuxa waa la raaca beenta
waa la dhaafaa runta lagama raystee
dhibaatada jacaylkiyo dhakafaarka caashaqu
ma dhamaado waligii
dhalinyarada joogtana dhuuxiyo aqoontiyo
dhismaheena weeyee
dhedigiyo laboodkana rbibaa isku dherarshee

Exit mobile version