Haybadiyo muuqiyo
Quruxdiyo hub qaad
Kiyo hub sashada
Talaabadab x2

Indha halalacdoda
Afku hadalka daayoo
Ku aaminay dhankage
X2

Hoodiyo naaiibay
Hodan raad barwaqa
Hadii aadan ilaqaban
Hodan aadan ilaqaban
Halis waxan ugalayaa
Hootadan jacaylkee
Ani hirdamayee x2

Heemaalka guud iyo
Hidihiyo asluubtiyo
Hagoogtiyo xishodka
X2

Dhabanada hilaacaa
Igu habay kalgacaloo
Hurdo seexan waayee
X2

Hoodiyo naaiibay
Hodan raad barwaqa
Hadii aadan ilaqaban
Hodan aadan ilaqaban
Halis waxan ugalayaa
Hootadan jacaylkee
Ani hirdamayee
X2

Exit mobile version