Sida dhibicda roob
Kiyo dhir magooshay
Adigaa uga dhigan
Naftaydee x2

Dhaban kaaga qurux-
Diyo dheehiyo ilwaad
Kaa dhowrsanay
Ijiitee x2

Marwo dhaqasho
Wacanoo aqalkaan
Dhisaynana udub
Dhexe u noqotaay
Waligeed unoqotaa
Ilaahay hakaa dhigo
X2

Sidaad tahay dhalan
Iyo ubad aan dhaloo
Kalaa la igu kaa dhex
Beeree x2

Raganimaad udhalatoo
Habee iyo Dharaar baan
Dhuuxa kugu jeclaystee
X2

Mid idhaqan karaayoo
Dhankuu iga xigaa dh-
Axani iiga iman abid
Ay iiga iman abid
Ilaahay hakaa dhigo
X2

Jacayl igu dhamaadaa
Wadnahayga dhigatayo
Iga raac xiskii adi
X2

Wakhtiga iyo maalkiyo
Dhamidii xiskaygu dhex
Mushaaxayaayee x2

Marwo dhaqasho
Wacanoo aqalkaan
Dhisaynana udub
Dhexe u noqotaay
Waligeed unoqotaa
Ilaahay hakaa dhigo
X2

Dhabtii caashaq kulul
Baad dhimirkiyo qalbi-
Gaygaba ku dhirbaxday
Adiguye x2

Dhiig wadayaashiyo
Dhaman xididadiibu
Ku dhex rooray aniguye

Mid idhaqan karaayoo
Dhankuu iga xigaa dh-
Axani iiga iman abid
Ay iiga iman abid
Ilaahay hakaa dhigo
X2

Exit mobile version