Sida roob onkoday
Ku reemoo dhulkii
Lagu raayayee rays
Iyo xoolaha caleenta
Ridada kulaba rogmee
X2

Ramad soo baxoo
Rucubtiyo mirahaa
Dhirtu raaran tahayee
X2

Indhahana uroon
Roodaay adaa runtii
Iiga dhigane kuu riy-
Aaqayoo jacayl baan
Riyada kugu ramanay-
Aayee x2

Rag horaa ku yiri
Roob arooryo badan
Oo raacin dibadeed
Risiq aan qornay
La isma raaciyeee
Ruux lafuro matihide
X2

Rajo lama dhigeee
Nafta raali gali waad
Ka raysaniyee x2

Marwo raaliyoo reer
Lala dagoo rasmiyad
Tahee kuu riyaaqayoo
Jacayl baan riyada
Kugu ramanayaaye
X2

Exit mobile version