Waxa tahay sadkaygiyo
Sanku neefle idilkii
Inantaan ka soocnee
Saamow saamuhuna
Na kala raraye

In kastoy in saaqdoon
Sunta caashaq halis tahay
Sidiibaa saciida
Nafta wali u sidataa
Wali u sidataa

Waa waa saatir mahadii
Adoo sida kalgacalkee
Inaan saaka kulanaa
Soo dhawoow macaaneey

Waxaa tahay sagaal sano
Subax qudha anoon arag
Sawirkeeda inaan kow
Ka sal guuriniyo
Ka sal guurinbaa tahee

In kastoo sad calaf yahay
Samirkuna awood yahay
Sidiibaay saciidaay
Naftani kuu sugaysaa
Kuu sugaysaa

Waa waa saatir mahadii
Adoo sida kalgacalkee
Inaan saaka kulanaa
Soo dhawoow macaaneey

Exit mobile version