sahwi iyo jacaylbaa
igu maran sanado
safkii ayadoo kale
lama arag sidaad tahay

suurad aad u qurux badan
sooryayn kalgacalbaad
simanaeey u sidataa

cid ina kala tiraysaa safiyaay
sideedaba ma joogtee

suniyaasha wacanee
sanqaroorka shuban
ku samaysan meel wacan
sadrigaad sareeya

intaasoo is wada sudhan
saluuglaay adigaa
SAATIR uu ku siiyee

Exit mobile version