sahwi iyo jacaylbaa
igu madhan sanado
safiyaay adigoo kale
lama arag sidaad tahay

suradaadu qurux badan
soorayn kalgacalbaa
simaneey u sidataa

cidina kala tiraysaa
safiyaay sideedaba
ma joogtee

suniyaasha wacanee
sanqaroorka shubane
ku samaysan meel wacan
sadrigaa sareeya

intaaso is wada sudhan
saluuglaay adigaa
saatir uu ku siiyee

cidina kala tiraysaa
safiyaay sideedaba
ma joogtee

Exit mobile version