Goee gardaraa la ii gaystay
Goee godobaa la iga soo galayee
Goee godobaa la ii gaystay
Goee godobaa la iga soo galayee
Go,doonaa la iga dhigee
Godaa la igu soo ridaye
Go,doonaa la iga dhigee
Godaa la igu soo ridaye

Gurmayee gabartiinu
Soo gudbayaa
Gamuun laga gaasihaaye
Gaarkay laga buubihaaye

Guuloow adaa
Guuloow adigaa garsoore ahee
Gargaar ii soo lahaawee
Makasayninee meel ii dhigoo

Galabtaan fidsan
Waayo garsheegta
Galabtaan guuxeega
La soo maqlayee

Golaa igu goobatayee
Gogoshaydaa la igu gubayee
Golaa igu goobatayee
Gogoshaydaa la igu gubayee

Galabtaan fidsan
Waayo garsheegta
Galabtaan guuxeega
La soo maqlayee

Golaa igu goobatayee
Gogoshaydaa la igu gubayee
Golaa igu goobatayee
Gogoshaydaa la igu gubayee

Gardaraa ila soo gudboonaatay
Gacalkayga loo gafaayee
Garab beelay ani waa guhaadee

Guuloow adaa
Guuloow adigaa garsoore ahee
Gargaar ii soo lahaawee
Makasayninee meel ii dhigoo

Exit mobile version