Indhahygoow
Aragtidaadaa
Aadbay ugu
Farxaayaane

Adoo kale aadmigan
Kumaan aragee
Adoo kale aadmigan
Amalee kumaba aragee

In kastooy aduunyadu
Ay tahay ayaan qudha
In kastooy aduunyadu
Ay tahay ayaan qudha
Adaan kaa ishaartayee
Axdi meel ma dhiganaa
Walaal ma is aroosnaa
Axdi meel ma dhiganaa
Walaal ma is aroosnaa

Hablaheenaa
Markaan eegoo
Adaa ugu ilwaad
Qurxoon

Naftaydu amaanta
U fududaayee
Afkaygana amaanta
Amalee u fududaaayee

Ubax caro ka baxa iyo
Xididadiisu qalbiga
Ubax caro ka baxa iyo
Xididadiisu qalbiga
Ka soo baxay ayaa tahee
Axdi meel ma dhiganaa
Walaal ma is aroosnaa

Ubax caro ka baxa iyo
Xididadiisu qalbiga
Ubax caro ka baxa iyo
Xididadiisu qalbiga
Ka soo baxay ayaa tahee
Axdi meel ma dhiganaa
Amal ma is aroosnaa
Axdi meel ma dhiganaa
Walaal ma is aroos naa

Exit mobile version