Heesta Nimco - Lyrics
Heesaha amaanta
Hawraarta maansada
Halabuurkii baaxdee
Hobol luuqa saariyo
Xiligaanni jabo
Aduunbaa hoortay iman
Nimco hooyadaabaa
Asluub kugu anqarisoo
Dhaqankaa hagaagsan
Hawldheeri weeyee
Amalbaan huuwinayaa
2×
Mar hadaa la maalo
Hoygeenu weeyahayee
Laba isla weynoo
Markay kala habsaamaan
Dhakso Isku soo hiloobee
Jacayl isku hambeeyee
Haynaga dhigo aamiin
Haynaga dhigo aamiin
Haynaga dhigo aamiin
Haynaga dhigo aamiin
Cida hayn warkaagee
Hore aan kuu arag
Aan u baahsho hadalkee
Daryeel hagar lahayniyo
Hawl iyo gudoontee
Nimcaa loogu hii jiray
2×
Haybadiyo xishoodkuna
Laafyaha hanaanka leh
Cidi aanan holinayn
Hibo eebe weeyee
Haweenkaad u sidataa
2×
Mar hadaa la maalo
Hoygeenu weeyahayee
Laba isla weynoo
Markay kala habsaamaan
Dhakso Isku soo hiloobee
Jacayl isku hambeeyee
Haynaga dhigo aamiin
Haynaga dhigo aamiin
Haynaga dhigo aamiin
Haynaga dhigo aamiin