VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Degmo - Lyrics

Dabaryohoow gaaniyoo Danteed ka weeyee Iga duula xoolii Adna kaama daanee Dibadaan u dhoofaan Taladii ku daystee Aan kula dardaarmee Rugta sii daryeeloo Aan kula dardaarmee Rugta sii daryeeloo Kaltuun waa inanyoow Inagaa is janjaqnee Kaltuun waa inanyoow Inagaa is janjaqnee Dalkalaan tagayaa Dubaaqaaga ka saar Dalkalaan tagayaa Dubaaqaaga ka saar Waan duulayaa ee Degmooy ii soo dhawee Wey inoo dambeysaa Dacaroow ha dagdaginee joog Waan duulayaa ee Degmooy ii soo dhawee Wey inoo dambeysaa Dacaroow ha dagdaginee joog Raga socodku waa u door Haduu mawdku daayee Darbi lama fadhiistiyo Halkii kuu darnaatee Kol hadaan wax daaqiyo Duunyo iga foofeyn Doqoniimo weeyaan Inagoo is dul joognaa Doqoniimo weeyaan Inagoo is dul joognaa Riyo meel ku oodnayd Soo dareerin maysidee Riyo meel ku oodnayd Soo dareerin maysidee Dal kaltaad ka daylayn Halkan nooga doonoo Dal kaltaad ka daylayn Halkan nooga doonoo Waan duulayaa ee Degmooy ii soo dhawee Wey inoo dambeysaa Dacaroow ha dagdaginee joog Waan duulayaa ee Degmooy ii soo dhawee Wey inoo dambeysaa Dacaroow ha dagdaginee joog Doqonbaan ogsooneyn Darxumada ku foolee Dugsan maaye geeluba Dudadii yagleelaba Si uun laguma daaye Xidigaa is doorshoo Doog iyo abaarbaa Kolba midi dambeeyaa Kol hadaanad daynayn Kaaga dayrin maayee Kol hadaanad daynayn Kaaga dayrin maayee Dawga aad maraysuu Daayin kuu hareeyiyo Dawga aad maraysuu Daayin kuu hareeyiyo Waan duulayaa ee Degmooy ii soo ducee Duco kuu labeeyee Dacaroow ii soo dadaal Waan duulayaa ee Degmooy ii soo ducee Duco kugu labeeyee Dacaroow ii soo dadaal
Queue is empty
-- / --