sida geed abaareed inta uu gud gude helay gubad raysku gaadhiyo gurmad doonku hoos yaal adigaa gel gelin iyo gal xareed leh joogee
maba ogid gu' iyo deer mid la gaari doonee

goblan talo aduunyoy nin tii ma gaadhee gal daloolo hoosiyo gabal lagama waayee

sida gool ugaadhiyo gara nuugta madhisoo gudcur fiintu galow tidhi goor daaqu soo baxay markay guul darootay taad gabaad ka dhigatay gudin looma qaatoo lama gooyo boqontee

gablan talo aduunyoy nina tii ma gaadhee gal daloolo hoosiyo gabal lagama waayee

sida goodir iyo cowl guranayso maajeen oo gabraaratiyo nacab garab ay ka toogteen isma oga gardiid iyo ka wax yeelo gaadhoo ruuxii garaad lihi gacal nimo madiidee

gablan talo aduunyoy nina tii ma gaadhee gal daloolo hoosiyo gabal lagama waayee

sida geesi nabadeed inta guurti laga dhigay gashi aanu qabin iyo godob aano lagu dilay arintaad gorfaysaa meeshii ka guurtoo galabtiyo habeenkii hadhku galinba waa dhane

gablan talo aduunyoy nina tii ma gaadhee gal daloolo hoosiyo gabal lagama waayee

sida geel hurweenoo godan looga xero dhigay oo gadiidka hadhimada nirgo geedaha yaliin gaawo aan uheestiyo wali gaax ma maaline miyaan loo gud booneen garan maayo xaajee

gablan talo aduunyoy nina tii ma gaadhee gal daloolo hoosiyo gabal lagama waayee

Exit mobile version