VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Bari hore - Lyrics

Max'ed Jaamac Joof:

Beri hore waxaa jiray
Inan timaha dibtoo
Baarkana u tidicdoo
Boqorkiyo dhaclahiyo
Maro beyle xiratee

Wax badaley kuwii hore
Belo geesa dheeroo [ ]
Buur madaxa saartoo
Suuqa baratamaayee

Naa bi'ise dhaqankii
Sharcigii ka beyroo
Diintii burburiseen
Habloow maad is barqabataan

Maryan Mursal Mataan

Boqolsano horteediyo
Beri hore wixii jiray
Ee la iska baal maray
Budulkii dib u ha u qaban
Laga soo baqoolee

Hadaad baratamin orod
Bisha iyo cadceediyo
Beesha loo horseedoo
Aanu beegsaneynaa

Horta baro tacliintiyo
Buugiyo dhigaalkoo
Badowyahoow dib ha u celin [ ]
Dadka soo baraarugey

Max'ed Jaamac Joof

Naa bi'ise dhaqankii
Sharcigii ka beyroo
Diintii burburiseen
Habloow maad is barqabataan

Maryan Mursal Mataan

Ilaahii bad iyo wabi
Biyahooda daadshee
Meel kula balamayee
Dhulka baaxadaliyo
Buuraha rakibeybaa

Bini aadamgiisana
Ruuxba ay u beere
Waad baadiyowdee
Cidi kulama beyrine

Horta baro tacliintiyo
Buugiyo dhigaalkoo
Badowyahoow dib ha u celin
Dadka soo baraarugey

Max'ed Jaamac Joof

Beri hore waxaa jirey
Inan baarax geeliyo
Faraskii baxdoowaba
Yarad looga bixiyaa
Bunduqana la raacshaa

Wax badaley kuwii hore
Isu bogga bar maqanoo
Bahdii ay ka dhalatiyo
Beylihisey waanee

Naa bi'ise dhaqankii
Sharcigii ka beyroo
Diintii burburiseen
Habloow maad is barqabataan

Maryan Mursal Mataan

Baarax geela iyo faras
Iyo boqon yaraha ari
Hablihii lagu badali jiray
Diinta aynu baraniyo
Ma baneyn kitaabkuye

Booli quutayaashii
Biicsan jirey haweenkiyo [ ]
Baxadsoorihii tagay
Maanta looma baahnee

Horta baro tacliintiyo
Buugiyo dhigaalkoo
Badowyahoow dib ha u celin
Dadka soo baraarugey

Queue is empty
-- / --